| Illaaladii madaxweyne Sheekh Shariif oo u xarootay kooxda al-Shabaab |
Muqdisho, 27-Jul-2010 - Illaaladi qaaska aheyd ee madaxweynaha dowladda KMG ah Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa u xarootay kooxda mayalka adag ee dowladda Soomaaliya dagaalka kula jirta ee al-Shabaab.
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay bambooyin dhawaan lala dhacay dad shacab ah oo ciyaarta koobka aduunka ku daawanayey labo goobood oo ku yaal caasimadda Uganda ee Kampala.
Ciidankan is-dhiibay ayaa ah ciidankii ugu tababarka fiicnaa ciidamada dowladda KMG ah, waxeyna arrintan dib u dhac u keeneysaa dadaalka lagaga hortagayo kooxa al-Shabaab.
Dagaalka u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo kooxda al-Shabaab ayaa hadda madaxtooyada dowladda u jira qiyaas dhan 300 oo talaabo.
Masuuliyiinta qaaradda Africa oo ku shiraya Kampala ayaa islaqaatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo dheeraad, si loo sugo amaanka dowladda KMG ah. Soomaaliya ayaa waxaa hadda joogo 6000 oo askari, kuwaasoo dufaac kaga jira guriga madaxtooyada.
Kooxda al-Shabaab ayaa in badan sheegata inay xidhiidh la leedahay shabakadda argagixisada caalamiga ah ee al-Qaeda.
wabishabeele.com |
|