| Madax-xafiiseedyada dowlad deegaanka oo ku dhaartay inay shaqada soo gali doonaan labada galin |
Jigjiga, 27-Jul-2010 - Shir ballaadhan oo uu madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar, u qabtay dhamaan xafiisyada heer deegaan, ayey madax-xafiisyada dowladda ku dhaarteen inay shaqada soo gali doonaan labada galin.
Inta badan, Xafiisyada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ah kuwo aanan laga shaqeyn, iyadoo madax-xafiiseedyadu ay xitaa telephonnadooda qaaska ah ee ay dowladda siisay qabanin hadeynan garaneyn number-ka telephonka laga soo wacayo. Waxaa cajiib ah inaynan masuuliyiinta qaar fahansaneyn telephonnada ay wataan inuu leeyahay shacabka (kan gacanta ee loo iibiyey iyo kan xafiiska labaduba), waajibna tahay in laga qabto shaqsi kasta, aqoo ama ha aqoon.
Madaxweynaha oo maalmahanba indha-indheyn ku jiray ayaa dabagal uu sameeyey ku ogaaday inaynan madax-xafiiseedyadu, intooda badan, shaqaba iman, telephonnadana qaban.
Madax-xafiiseedyada ayaa goobti shirka ka balanqaaday inay hadda kadib shaqada soo gali doonaan, islamarkaana telephonnada qaban doonaan.
Madax-xafiiseedyada haatan iyo Cabdi howsha hortaal
Madax-xafiiseedyada haatan waxey u badan yihiin kuwo in badan joogay xafiisyada ay masuulka ka-yihiin, taasoo keentay inay qaarkood caajiseen, halka kuwo kalana bahaloobeen (musuq).
Masuuliyiinta qaar waxaa lagu dhaliilaa inay qeyb ka ahaayeen shabakaddii musuqmaasuq ee maamulkii hore, mana jirto kalsooni badan oo ay ku qabaan isbadalka cusub, taasoo curyaamin doono isku-day kasta oo uu madaxweynaha cusub sameeyo.
Madaxweynaha waxaa looga baahanyahay inuunan dhaartan muhiimad badan siinin, oo uu la yimaado isbadal ka tarjumaya aragtidiisa. Nin nacas ah ayaa bari lumay markaas ayaa waqti iyo dadaal badan kadib la soo helay. Dadkii oo dhan ayaa ku farxay helitaankiisi, markaas ayuu intuu eegay yiri, "maxaa laygaga farxi barri baan lumiye." Madax-xafiiseedyada maanta dhaartay ee shalay xafiiska aanan joogin, intooda badan, waa dad noocaas ah. Sidaasi darteed, waa in maamulkan isbadal degdeg ah lagu sameeyaa, si dardar loo galiyo adeega bulshada iyo sare u qaadidda maamulka suuban.
Madaxweyne kastaa inta uu cusub yahay ayuu leeyahay fursad weyn oo uu isbadal maamul ku sameyn karo. Si ay howsha qaabka uu u qorsheeyey ugu socoto, madaxweynuhu waa inuu dhisaa maamul uu ku kalsoonyahay inuu aragtidiisa horumarinneed iyo nabadgalyo ku shaqeynayo.
Waxaa xaqiiqo ah, in madaxweynaha hadduunan 90-ka maalmood ee ugu horeya gudahood isbadal ku sameyn maamulkan ay sheekadu noqon doonto "Kililka 5-aad iyo caadaddii." Taasoo keeni doonto inuu madaxweynaha cusub lumiyo taageerada xad-dhaafka ah iyo kalsoonida gudaha iyo dibadda.
wabishabeele.com |
|