logo
 


 
 
         
Meles: Al-Shabaab waa in la tirtiraa
Addis Ababa, 17-Jul-2010 - Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa sheegay inaynan jirin xal kale oonan ka aheyn in la tirtiro kooxda sheegata inay xidhiidhka la leedahay al-Qaeda ee dagaallada kula jirta dowlad KMG Soomaaliya, ee al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda bambooyin lala dhacay dad shacab ah oo Axaddi la soo dhaafay magaallada Kampala ku daawanayey Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka, weerarkan ayaa waxaa ku naf-waayey in kabadan 70 qof oonan waxba galabsan.

"Xaqiiqin majirto wax rajo ah oo laga qabo in wadahadal lala galo kooxdan. Majirto waxaanan ka aheyn in dhamaantood la baab'iyo," ayuu yiri Meles.

Meles oo la hadlayey TV-ga dowladda ayaa intaa ku daray, "dadkan aadanaha ayey cadaw u yihiin, waxeyna diyaar u yihiin inay xasuuqaan dad aanan waxba galabsan iyagoonan u kala aabayeeleyn."

Dowladda Itoobiya ayaa in badan isku-dayday inay Soomaaliya ka caawiso dib u askunka qarankoodi, iyadoo ciidan u dirtay dalkaas dhamaadki sanadkii 2006. Itoobiya ayaa ciidankeeda kala soo baxday Soomaaliya, kadib markii ay intii karaankeeda ah ka geysatay xal u helista dhibaatooyinka Soomaaliya.

Meles ayaa farta ku fiiqay xukumadda Eriteriya, maadaama Eriteriya ay xiriir toos ah la leedahay kooxda al-Shabaab.

Dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya ayaa dagaal kulul isaga hor-yimid intii u dhaxeysay 1998 illaa 2000, dagaalladaas ayaa qiyaasti waxaa ku naf-waayey 80,000 dad gaaraya.

Ra'isulwasaare Meles ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu ciidanka difaaca qaranku ka howlgali doono gudaha Soomaaliya markale, hadday dhacdo inay kooxda al-Shabaab la wareegto awooda dalka Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab ayaa weeraro isbada-joog ah ku heysa xarumaha dowladda KMG Soomaaliya ee magaallada Muqdisho.

wabishabeele.com


   
» Pilot Project Helps Ethiopian Orphans Avoid Overseas Adoption 09 Sep 2010

» Floods displace thousands more in Ethiopia 08 Sep 2010

» Addis Ababa City Administration demolishes Houses in Yeka Sub City 07 Sep 2010

» Ethiopia floods displace thousands 07 Sep 2010

» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010


 
» Alemayehu: Petronas may joojin shidaalkii ay ka baadheysay deegaanka Soomaalida 03 Sep 2010

» Bereket: Demoqradiyad & horumar lama xaqiijin karo haddey jirin warbaahin nidaamsan, adag, oo xor ah 03 Sep 2010

» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Fidel Castro: Cuban model no longer works

» Excellent Table brings Ethiopian flair to Blacksburg

» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

 
 



Today's picture

 

 
» The debacle of Wardheernews - by Hire Ahmed Yeey 09 Sep 2010

» Lies and misinformation: Somali Regional State Government officials are under attack - by Osman Rooble 07 Sep 2010

» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010