logo
 


 
 
         
Yusuf Dheeg oo ka noqday hadalkii ahaa in deegaanka Soomaalida la gumeysto
London, 22-Jul-2010 - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg), ayaa gabi-ahaanba isaga noqday hadalkii uu dhawaan sheegay ee ahaa in shacabka deegaanka Soomaalidu ay Itoobiya gumeysato.

Yusuf Dheeg oo doraad la hadlayey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC, ayaa sheegay inuunan hadalka sidaas u dhihin, islamarkaana ku adkeystay inuunan wax Itoobiya ku saabsan kaba hadal.

Yusuf Dheeg oo booqasho ku marayey dalka Masar ayaa dhawaan wargeyska Al-Yowmu Saabic ku yiri, shacabka deegaanka Soomaalida ee reer Ogadenya waxaa gumeysta Itoobiya, isagoo intaa raaciyey inaynan wax xuquuq ah ku laheyn dalkaas.

Yuusuf Dheeg ayaa BBC-da u sheegay inuu la kulmay wariyayaal u dhashay Masar intii uu Qaahira joogay, islamarkaana uu siiyey wareysiyo dhinacyo badan taabanaya, laakiin iska fogeeyey hadalka ku saabsan Itoobiya iyo deegaanka qowmiyadda Soomaalida.

Masuuliyiinta isaga danbeysay tallada dalka Soomaaliya ayaa in badan, iyagoonan ka fiirsan, dhexgala arrimaha Ismaamulka Deegaanka Soomaalida (Ogaden). Faragalinta noocaas ah ayaa waxey labada dhinac ka haleyso mooyee anaan wanaag badan u keenin.

Bahda warsidaha wabishabeele.com ayaa cambaareyn kulul dusha uga tuuray markii uu hadalkan Yuusuf Dheeg ku soo baxay bogaga internetka.

Aduunka ayaa aqoonsan in qowmiyadda Soomaalida Itoobiya haddii ay Itoobiya ka sii mid noqonayso iyo haddii kale ay tahay howl iyada u taal. Waana faragalinta noocaas ah ee masuuliyiinta Soomaaliya tan maanta qarankii Soomaaliya halkaa dhigtay, deegaanka Soomaalidana (Ogaden) wax badan oo uu heli lahaa ku waayey.

wabishabeele.com


   
» Andrew Mitchell visits Ethiopia 06 Sep 2010

» Ethiopian Central Bank Says Devaluation to Boost Exports, Domestic Output 05 Sep 2010

» Ethiopia rejects dam criticism, targets 10,000 MW 05 Sep 2010

» Six Arrested in Japan for Involvement in 2008 Citibank Scam of Bank of Ethiopia 04 Sep 2010

» Ethiopia: Pastoralism Against the Odds 03 Sep 2010


 
» Jaaliyadda deegaanka ee Minnesota oo si kulul uga jawaabtay qoraallo lagaga been abuurtay gudoomiye Cabdifitaax 03 Sep 2010

» Cabdi oo loo dhaariyey madaxweynenimada deegaanka shanta sano ee xigga 02 Sep 2010

» Suuqyada Addis Ababa oo uu soo galay buug uu qoray wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Itoobiya 02 Sep 2010

» Itoobiya oo mamnuucday waxbarashadi banaanka lagu qaadanayey (distance education) 01 Sep 2010

» Waxgaradka beesha Reer Isaaq oo taageeray nabadda 31 Aug 2010

» Madaxweyne Girma oo qaabilay Daahir Riyaale 30 Aug 2010

» Socdaal lama filaan ah oo uu Al-Bashir ku yimid Nairobi oo dhaliyey guux 29 Aug 2010

» Dr. Shiferaw oo la kulmay jaaliyadda deegaanka ee Minneapolis 27 Aug 2010

» Meles: Ururrada bulshada door muhiim ah ayey ku leeyihiin ka mira-dhalinta qorshaha shanta sano 27 Aug 2010

» Itoobiya oo cambaareysay falkii argagixiso ee Muqdisho 26 Aug 2010

 

Somali Links


 
 
» Traveling Nurses travel to Ethiopia

» Somalia: Why Piracy will not end soon

» African peacekeepers open 9 more bases in Somalia

» Ethiopian birr devalued: central bank data

» Ethiopians Continue to Suffer in Middle East: Five Die in Saudi Prison

 
 



Today's picture

 

 
» Congratulatory message for his excellency president Abdi Mohamud Omar from Yabarree Diaspora of North America 03 Sep 2010

» Hilibka culimadu wuu sumaysanyahay 29 Aug 2010

» Milicsi suugaaneed: Cabdi Xirsi & amaanista geela, by Faarax Geeydh 19 Aug 2010

» Governments must always listen to young people, by Obaid 14 Aug 2010

» A price under-invoiced - Reporter editorial 13 Aug 2010